Daawo Sawirada "Fanaanka reer Jabuuti Farxaan Xidig oo si weyn Muqdisho loogu soo dhoweeyay"

Tuesday, December 18, 20120 comments



Fanaanka reer Jabuuti Farxaan Muuse Cige (Farxaan Xidig) ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah hobolada Muqdisho, abwaano iyo mas'uuliyiin ay ku soo dhoweeyeen garoonka Aadan Cadde.

Socdaalka Fanaanka Farxaan Xidig uu ku yimid Muqdisho ayaa ka dambeysay markii uu casuumaad ka helay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan.

Mas'uuliyiinta maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Abwaano iyo fanaaniin ayaa soo dhoweeyay fanaanka oo ku tilmaamay inuu ka mid yahay fanaaniinta ugu culus ee ku jira fanka Soomaaliyed.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay Muqdisho ay rajeynayaan inay dib ugu soo laabtaan fanaaniinta, si ay u arkaan is bedelka iyo horumarka ka jira.

Farxaan Xidig ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu Muqdisho soo gaaro, isagoo xusay in sida loo soo dhoweeyay inuusan marnaba ilaabi doonin, waxaana uu ku tilmaamay bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir dad uu rabbi hibo ku siiyay qalbiyo iyo wajiyo furan oo wanaagsan, kuna fiican soo dhoweynta.

Fanaanka ayaa heeso la qaadayay fanaaniintii caanka aheyd ee udub dhexaadka u ahaa fanka soomaaliyed ee beri samaadkii, iyadoo uu heeso la qaaday Fanaaniinta Maryan Mursal Ciise iyo Fanaanada Sahro Axmed Jaamac.

Tan iyo markii ay is bedelka gashay Caasimada Muqdisho ayaa waxaa soo gaarayay magaalada fanaaniin muddo qurbaha ku noolaa, si ay u eegaan xaalada dalka.

























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog