Xarakada Al-Shabaab oo sheegay in aanu matalin Abuu Mansuur Al-amriiki

Tuesday, December 18, 20120 comments


Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in Abuu Mansuur Al-amriiki uusan ku hadli karin magaca dagaalyahanada ajaaniibta ee ka bar bar dagaalanta Al-Shabaab, kadib bayaan ka soo baxay Xafiiska warfaafinta Shabaab.


Bayaanka ka soo baxay Xafiiska warfaafinta Shabaab ayaa lagu sheegay in aanu jirin wax xil ah oo uu Al-Amriiki ka haayo Shabaab, kadib markii uu filim uu dhowaan soo duubay uu kaga hadlay arrimo badan oo Shabaab ka dhex jiro.



"Markii uu baahiyay warar aan jirin oo uu ku tilmaamay in Shabaab uu kala qeybsanaan ka dhex jiro, Al-Shabaab waxay cadeyneysa in Abuu Mansuur Al-amriiki uusan matalin xarkaada, isla markaana ku hadli karin magaca dagaalyahanada ajaaniibta Soomaaliya"ayaa lagu yiri bayaanka.



Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in hadaladii uu sii daayay Al-Amriiki ay dhamaantood yihiin ruwaayado, isla markaana dadka muslimiinta ku beeray jahwareer, si kala duwan loogu warceliyay.
Waxaa kaloo bayaanka lagu yiri in hadaladii Al-amriiki uu yahay mid u ek qof jajaban, oo uu ku doonayo inuu is muujiyo, balse ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin oo xaqiiqda ka fog.



Ugu dambeyn bayaanka xafiiska warfaafinta Shabaab ayaa lagu cadeeyay in aanu ka mid aheyn Abuu Mansuur Al-amriiki saraakiisha dagaalka gelisa Shabaab, ama lacagaha u soo uruuriya sida lagu yiri bayaanka.



Abuu Mansuur Al-amriiki oo magaciisa dhabta yahay Cumar Hamaami ayaa ah nin ka soo jeeda Gobolka Alabama ee dalka Mareykanka, waxaa uu sanadkii 2006-dii ku biiray Al-Shabaab, muuqaal uu dhowaan soo dhigay barta Youtube ayuu ku sheegay in naftiisa ay halis ugu jirto in la dilo, isla markaana Al-Shabaab ay ka dhex jirto khilaax xoogan.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog