Maxaad Taqaan Farqiga U Dhexeya Qalbiga Ragga Iyo Haweenka?

Thursday, December 20, 20120 comments


Farqiga waa dhanka baaxada(Mugga) Qalbiga ragga waa ka weyn yahay kan haweenka balse haatan midda aan dooneyno ma ah xajmiga .

Qalbiga ragga waa Guri xuduudna malaha qolalkiisa iyo barandayaashiisa waxa uuna u furan yahay qof waliba oo wata magaca Dumar .

Waana Guri awooda in uu qaado dhamaan gabdhaha soo booqda ee socotada ku ah iyo kuwa doonaya in ay toos u degaan,  Qaarkood saacado ayay galaan hadii ay doonaan ,waana ka baxaan saacado .

Gabar waliba oo degan gurigaas waxa ay aaminsan tahay in kaligeed guriga ledahay waxa ayna guriga moodaa hal qol hadii ay u fahansan tahay in qolal badan leeyahay in iyada leedahay ayay moodaa.

Balse gurigaas waxaa uu u dhaxeeya dadka oo dhan , gurigaas gabar waliba ayaa soo degi karta oo calafka ayaa xogtaas hadda ku siineysa .

“Haa, Haa saacado, maalmo, bilo ama sanad ayay deganaaneysa ka dib waa ay ka safreysaa”.

Qalbiga Haweenka Waa Ka yar yahay kan ragga waa hal qol kaliya ,waxaa ku soo dega hal nin kaliya, mana deeqdo laba qof iyo wax ka badan.

Qofkii soo gala waligiis ayuu ku noolanayaa qolkaasi, Qalbiga ragga waa qolal kan hawenkana waa hal qol calafka ka dhigo wehelkaada koowaad.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog