Daawo Sawirada "Xarakada Al-Shabaab oo ciidamo badan kala dhax dhigtay Beelo dhawaan dagaalamay"

Friday, December 21, 20120 comments


Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa ku guuleestay qaboojinta dagaal u dhaxeeyay labo Beel oo walaalo ah oo dhawaan ka dhacay Deegaano katirsan Gobolka Galgaduud.


Al-Shabaab ayaana ciidamo tiro badan kala dhax dhigay labada Beel ee ku dagaalamay Deegaanka Baadiyaha ah ee Miiraanyo iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw halkaas.

Ciidamadan la dhigay Deegaanada lagu dagaalamay ayaa ah kuwa aad u hubeesan kuna dadaalaya joojinta dagaal mar kale dhax mara laba beelood iyagoo sidoo kale Shabaab halkaasi kawadaan in ay u kala dabqaadaan odayaasha labada dhinac ee dagaalamay.

Wadahadal ay garwadeen ka ahaayeen Al-Shabaab ayaa horseeday in Odayaasha labada beel ee dagaalamay ay kuy heshiiyaan xabad joojin sidoo kale la xaliyo waxyaabaha kale ee keenay in labada dhinac dagaalamaan dhiig badana uu ku daato dagaalkaasi.





















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog