Nin hubeysan ayaa toogasho ku diulay ilaa 20-caruur ah iyo lix kale, Dugsi hoose ku yaal Gobolka waqooyi bari ee dalka Mareykanka ee lagu magacaabo Connecticut.
Ninka toogashada geystay ayaa sidoo kale isna dhintay, balse booliska ma aanay bixin faah faahin ku aadan cida uu ahaa, hase ahaatee da'diisa ayaa aheyd 20-sano jir.
Dilkan ayaa ahaa kii ugu xumaa ee taariikhda soo mara dalka Mareykanka, kaasoo dad badan lagu dilo.
Goob joogayala ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas badan oo ka dhaceysay Dugsiga hoose ee Sandy Hook Elementary School oo ku yaal magaalada Newton.
Warbaahinta Mareykanka ayaa dhacdadan aad uga hadlayay, iyadoo la sheegay in ruuxa dil wadareedkan geystay uu dilay hooyadiisa, ka hor inta aanu weerarkan fulin.
Ardayda Iskuulka oo da'dooda u dhaxeysay 5-10-sano jir ayaa goobta laga daad-gureeyay iyagoo argagaxsan, waxaana hoos loo dhigay calanka dalka Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka oo dhacdadan ka hadlay ayaa la ilmeeyay xasuuqa loo geystay caruurtan, isagoo sheegay in dadka Mareykanka ay u soo adkeysteen musiibooyin badan.
Dadka ku nool magaalada Newton ayaa qabanaya xus baroor diiq ay u sameynayaan dadkii dhibaatada ka soo gaartay weerarka, iyagoo wadooyinka ku shidayay shumacyo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com










