Gaariga loo yaqaanno Kaaribta ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxa uu ku dhacay god weyn oo ku yaalla Isgoyska Debka kadib markii darawalkii gaariga kexeynayay uu xukumi waayay.
Gaarigaan ayaa waxa uu ku dhacay godkaan oo ah meel laga dumiyay guri weyn lagu warejiyay Jiingado si dadku ay uga wareegsadaan oo aysan ku dhicin hasa yeeshe gaarigaaan ayaa ku faniinay kadib markii Dalcada Waaberi isaga oo kasoo laalaadsay uu waayay xukunkii gaariga darawalkii weday uuna isku dayay in uu ku taakeeyo Jiingada ku wareegsaneed Godka taas oo sababtay in uu godka si cajiib ah ugu dhoco.
Laba qof ayaa ku dhimatay laba kale oo darawalku kamid ahaana way ku dhawacnmeen sida ay xaqiijiyeen goob joogayaasha, waxaana laxaqiijiyay in dadka laba qof oo kamid ah gaarigu markii uu godka ku dhacayay uu horay u qaatay iyaga oo wadada dhinceeda gaadiidka dadweynaha kusugaya.
Darawalka oo inyar kadib soo naaxay markii gaarigu godka ku dhacay ayaa yiri, “waxaan kaso degay dalcadda, waxaan waayay fariinkii gaariga, horteydana waxaa taagnaa gaadiid badan, waxaan damcay gaariga in aan taaka uga dhigo jiingadaan, kadibna waxaan arkay uun inaga oo Jiingadii dhaafnay, maxasuusto sida wax u dheceen”.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com






