Dhageyso :- Xarakada Al-shabaab oo sheegtay in Madaxweyne Faroole iyo dadka taageera intaba ay yihiin Gaalo murtadiin ah.

Wednesday, December 12, 20120 comments


Buuralayda Gobolka Bari ee Galgala waxaa dhowaan ka dhacya dagaal u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kooxda Al-shabaab kadib weerar sii horeeyey oo lagu laayey Askar ka tirsan Puntland, isla markaasna lagu soo qabqabtay koox ka tirsan Al-shabaab, haddaba kooxda Al-shabaab ayaa soo saaray  War cusub oo ay ku sheegeen in Faroole iyo wixii la Masuul sare oo u hadlay kooxda Al-shabaab ee Buuraha Galgala ayaa daaha ka qaaday in ay jiraan Hay,ado fara badan oo haatan jooga Puntland iyo weliba kuwa kale oo mashaariic iyana doonaya in ay fuliyaan kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihin Hay,ado Gaalo ah oo doonayo in ay diintooda ku faafiyaan gudaha dalka.


Warkan ka soo baxay Kooxda Al-shabaab ayaa ah mid ku cusub dhegaha bulshada Puntland, waxaana ay fajac ay iyo yaab ku noqotey markii ay sheegeen kooxdaasi in Hugaanka sare ee Maamulka iyo weliba wixii taageera intaba ay yihiin Gaalo, balse waxaa lagu qiimeeyey Arintaan howgalkii culsa oo maalmo ka hor Puntland ka fulisay buuraha Galgala.


DHEGEYSO ARINTA MURTADNIMADA.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog