Barqanimadii maanta ayaa waxaa ka dhacday Isgoyska wadada dabka arin layaab leh oo fajaciso ku abuurtay dadka deegaanka oo mar qur ah kusoo baraarugay cunug aad u da’ yar oo bartanka wadada yaalla gaadiidkuna ay kakala istaageen.
Arintaan ayaa dhacday markii cunuga hooyadii oo kasoo daba carartay aabaha oo guriga kazoo carooday kadib muran dhex maray ayna u dhiibtay wiilka ilamahooda ugu yar isaguna uu wadada ku dhex tuuraa isga oo muujnaya in uusan dareen sidaasa ka laheyn hadiiiba baabuur dardaro.
Dadka dersaanka ah ayaa waxa ay sheegeen in qoyskaani isku garan waayeen howlaha guriga kadib markii odayga xaafadu uu awoodi waayay in uu bixiyo tasiilaadkii guriga howlihiisu ku socan lahaayeen.
Hooyada qooyskaan oo aan lahadalnay ayaa waxa ay sheegtay in ay u dul qaadan weysay odayga cidda oo muqayil ah inta badan waxa uu helana qaad ku cuna hasa yeeshe caruurta aan daryeelin
Qarash yarada ayaa waxa ay isku dirtaa inta badan qoysaska Soomaaliyed marka ay dhacdo in odayga oo wasaarada arimaha dibadda ee reerka u xilsaaran uu howshiisa gudan waayo.
Gacal Xuseen Gacal Ayman
Wariyaha Arimaha Bulshada
Aymancade@hotmail.com
xigasho Allbanaadir
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
