Daawo Sawirrada Horumar lataaban karo oo laga sameynayo Suuqa Bakaaro iyo Guud ahaan Degmada H/Wadaag.

Monday, December 17, 20120 comments



Suuqa Bakaaraha oo ah rugta ganacsiga ugu weyn Soomaaliya oo lagu xasuusto in uusan lahaa jirin wadooyin waaweyn oo lamaro laga soo bilaabo Sagaashameeyadii ayaa xilligaan waxa uu lasoo baxay waji cusub oo uu ku dheehanyahay Horumar.

Horumarkaasi waxa uu ka dhashay daacadnimo iyo hagar la’aan uu howshiisa u gutay maamulka Degmada H/wadaag ee uu hor boodayo Gudoomiye Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay qaabkii degmada Guud ahaan gaar ahaan Suuqa ganacsiga Soomaaliya uu kuhor mari lahaa.

Inta badan wadooyinka suuqa gala iyo kuwa ka baxa waxaa lagu sameyay dayac tir, kuwa dhimanna hada ayuu ku socdaa, oo waxa aad arkeysaa gaadiid carra kaawo daabulaya oo ku shubaya wadooyinka dayactirku kasocdo, Baldoosarro ka shaqeynaya oo carada Simaya, Kuwa carrada dhulka ku garaaca iyo booyado biya dhaaminaya oo ku shubaya wadooyinka ay ka socdaan howluhu.

Sidoo kale waxaa xiligaan shaqo aad u balaaran ay ka socotaa Iskuulka Xamar jadiid oo ku yaalla cirifka Waqooyi Bari ee Suuqa, kaas oo noqday qashan qub xilligii fowdada lana doonayo in dib loogu soo celiyo heybadii uu lahaa.

Iskuulka oo ahaa meesha kaliya ee qaashanka lala beegsado xilligaan waxaa ku jira Baldoosarro marka hore qashanka ka qaaday halkii uu yiillay god weynna uga qodaya gudaha Iskuulka si dib loogu aaso kadibna iskuulka dib u dhis loogu sameeyo maadaama uu gabi ahaan burburay si loogu bilaabo howlihii wax barasho oo uu hray ugu casn baxay.

Gudomiyaha Degmada H/ Wadaag, Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) ayaa waxa uu sheegay in ay ka go’antahay in shacabkooda ay u shaqeeyaan si horumar ay u gaaraan, waxa uuna sheegay in aysan jirin cid ay ka kaashadeen marka laga reebo maamulka Gobalka Banaadir.

Jacfar waxa uu sidoo kale hoosta kaxariiqay in ay sii wadi doonaan horumarinta degmada uu gudoomiyaha kayahay ee Howl-wadaag.

Horumarkaan degmadu ay sameysay waxaa si aad ah u soo dhaweeyay guud ahaan shucuubta ku nool degmada oo sheegay in ay ka reesteen dhiiqqo, cariiri iyo amaan darro intaba iyaga oo mahad balaaran u soo jeediyay maamulkooda degmada oo isagu u istaagay howsha adag ee hortaalla, iyaga oo intaa ku daray in maamulada degmooyinka kale looga baahan yahay in ay ku daysadaan.



























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog