Daawo Video-ga Nin Qaba Cudurka Dilaaga ee HIV ee Aidska oo qaadsiiyey Haween ama Dumar kor u dhaafaayo ilaa iyo 1,000(Layaabka Aduunka)

Friday, December 28, 20120 comments

Dhaco la yaab leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada Grand Rapids, Michigan ee dalkaas Mareykanka ka dib markii uu nin qaba cudurka dilaaga ee HIV ee Aidska uu cudurkaas si kas ah oo ogaansho ah uu u qaadsiiyey haween ama dumar kor u dhaafaayo ilaa iyo 1,000 haween ah arintaas oo ay dad badani ay si aad iyoi aad ah ay ula yaabeen naxariiss darada ninkaas.

Ninkaan oo lagu magacaabo David Smith oo 51 sano jir ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan booliisku xabsiga dhigeen ka dib markii uu asagu u tagey booliiska oo uuna u sheegay inuu dad badan uu qaadsiiyey ama uu ku daartey cudurkaas aidska oo uu qabo haween kor u dhaafaayo ilaa iyo 1,000 haween ah asagoona u sheegay inuu arintaas u sameeyey si kas ah ama si ula kac iyadoona ay ujeedadiisu ahayd inay dadkaas qaadaan cudurkaas oo ayna u dhintaan cudurkaas dilaaga ah.

Ugu dambeyntiina iyadoo qeybta caafimaadka ee dalkaas Mareykanka ay artintaas wel wel weyn ka muujisay arintaas islamarkaana ay kula talisay cidkasta oo ninkaas xiriir la sameysay inay si dhaqso ah u gaaraan xarumaha caafimaadka si ay isaga baaraan cudurkaas inay qabaan iyo in kale, ayaa haweeney ka mid ahayd haweenkii uu ninkaas cudurkaas ku daartey waxay sheegtay inuu ninkaas u sheegay inuu ilaa haween gaaraayo 3,000 oo haween ah uu horey ula soo tuntey.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog