Haweeney ka soo duushay dalka Colombia ayaa naasaha qaab qaliin ah ku soo gashatay daroogada dilaaga ah ee loo yaqaan,,,?

Friday, December 28, 20120 comments

Shakiga ayaa dhaliyay kadib markii haweeneyday ay booliska migarashanka weydiiyeen ujeedka safarkeeda ee dalka Spain, waana ay cadeyn weysa arrintaasi.

Booliska ayaa go`aansaday in ay baaraan haweeneydan, waxaana ay ka heleen faashado dhiigleh oo naasaha saaran iyo qaliin cusub, markii la weydiiyayna waxaa ay ku jawaabtay in ay dhawaan qaliin ku sameysatay naaseheeda si ay ugu weynaadaan.

Kadib arrintan ayaa waxaa haweeneyda loo diray cusbitaalka si baaritaan dheeraad ah loogu sii sameeyo, waxaana laga soo saaray laba bocood oo daroogada Kokainta ah oo marki la isku daro kiiladooda ay gaarayeen 1,4 kilo. 

Sida ay qoreen jariiradaha kasoo baxa dalka Spain, qabashada la qabtay haweeneydan ayaa waxaa ay bad-baadisay nolosheeda oo hadii ay ku dhex qarxi lahaayeen bacooyinka ay dhiman laheyd.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog