Nin u dhashay dalka Pakistan ayaa wuxuu dalka Ingiriiska ku joogay arday ahaan isagoo waqtigiisa dheeriga ah ka shaqeyn jiray dukaan ku yaala magaalada London wuxuuse iibin jiray malaay raqiis ah, hadana ninkan ayaa malaaygiisa marka uu naadinayo wuxuu u sameystay hees uu ku naadiyo si uu dadka dareenkooda usoo jeediyo, nasiib wanaag dadka suuqa ka adeeganaya ayaa heeskiisa la dhacay oo waxey ku duubteen mobile-kooda kadibna Youtube ayay soo geliyeen.
Isla bishaa gudaheeda ayaa waxaa daawaday dad aad u farabadan taas oo usoo dabaashay in uu xoogaa kusoo caan baxo hase ahaatee ninkii ayaa hada wuxuu marayaa heer Tv-yada dalka ingiriiska aan laga weynin habeen qura.
Ninkan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ugu dambeyntii heestiisa si buuxda usoo saaray iyo Muuqaal fiican loo sameeyay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com