![]() |
| buundo duntay |
Dalka Japan waxaa ku nool Injineerada ama qabiirada ugu qatarsan Caalamka ee ku taqsuusay dhisida Buudooyinka mara dhulka hoostiisa ee inta badan gawaarida oo kaliyah loo ogol yahay.Injineerada reer Japan ayaa dalal fara badan oo Qaarada Asia iyo Africa ku yaala waxa ay ka soo dhiseen Buundooyin casri ah oo mara dhulka hoostiisa.
Buundooyinka ay dhisaan dalalka Japan, Germany iyo Mareeykanka ayaa waxa ay Caalamka ka yihiin kuwa ugu halista yar ee la iskaga kala goosho.Injineerada u dhashay dalka Japan waxaa ku jira kuwo Buuraha dhexdooda Wadooyin ka sameeya waxaana wadooyinkaas oo dhulka hoostiisa ku yaala mara Gawaarida iyo Tareemada.
Magaalo 80 Km u jirta caasimada Tokiyo ee dalka Japan ayaa waxaa mar quraa dadkii ku soo duntay Buundo ama (Tunnel) mara dhulka hoostiisa kaas oo ilaa iminka lagu la´yahay raqda dad fara badan oo xiligaas gawaari ku marayay halkaas.
Buundadaan oo loogu tala galay in ay maraan Gawaarida oo kaliyah waxaa laga dhex jeexay Buuro dhaadheer dhexdooda.
Halkaan Hoose ka Daawo Buundo dad gawaari watay ku soo duntay
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
