Jaceylka waa cadaab marna waa naxariis waa kolba sida uu ku soo maro , balse mararka qaar waxaaba ku qabaneysa in jaceylka aduunka dhan laga baa`biyo sida ay ku calaacashay Muno Xasan .
Muno waxa uu jaceyl soo jiitayay sanad kana soo bilaawday Somaliya Muqdisho balse xanuunkiisa ay ku dareentay Nairobi kala dhaxeeyay Liibaan kaasi oo qiyaano iyo nabsi jaceyl middii ugu dareyn ka galay gabartaan .
gubtanews oo maqashay qisada gabartaan isla markaana ku booqatay guriga ay ka degan tahay xaafada Islii ee Nairobi ayaa intii warbixinta ay nasiin laheyd waxa ay cilan weyday ilinta taasi oo wiiqday sheekadii ay na siin laheyd .
Ka dib oohin muddo qaadatay ayay Muno noo sheegtay In Liibaan haatan uu ku noolayahy South africa oo iyadu ay geeysay ka dib markii dahab ay laheyd ay u iibisay lacago daynna ay ka qaadatay dad ay ehel yihiin ku fur daamisay.
Balse markii liibaan oo ay ka sugeysay marka uu awood uu u yeesho in uu soo dalban doono iyadoo markii uu baxayayna caloosha cunug ugu xanbaarsaneyd balse Liibaan ayaa iska daayee in uu kaxeyo waxaaba laga waayo Haloow.
Dadaal dheer iyo fariimo ay u dirtay xitaa wuu u sheegi waayay sababta kentay in uu is bedelo, intii sheekada ay waday ayay Muno buraan bur calaacal iyo habaar isugu jira afka la furatay xilli noola shegay in Muno horay u aheyn gabdhaha tuurta afarleyda buraan burka .
Cod ciil uu ku jiro ayay ku tiri haddaan agaan lahaa in sidaasi uu u qalbi adag yahay dahabkeyga uma iibiyeen daynta illaa haatan la igu leeyahana uma galeen .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
