Jimicsiga:- Qaadista Biraha Culus, Waa Maxay Faa'idada ku jirto Qaadista Biraha Culus (Q.1)

Thursday, December 13, 20120 comments


Shabakada newbanaadir waxaa lagu soo kordhiyay barnaamij khaas ah oo ku saabsan FITNESS ama qaadista Biraha Culus.



EXCERCISE FITNESS

Jimicsiga ama qaadista biraha culus waxa ay u fiican yihiin ragga khaasatan ragga jeceyl in jirkooda dhismo. marka jimicsiga jir waxa oo leeyahay aasaas ama meel laga bilaabo, waxaa aasaas u ah in qofka qaadaayo biraha culus waa in oo jimicsi ku sameyaa 8 muruq oo ku yaalo qofka bin-aadamka waxa ayna kala yihiin murqo waa weyn iyo kuwo yar-yar, qofka sameynaayo jimicsiga ama qaadista biraha culus waa in oo diirada saara sida ay ukala muhiim san yihiin murqahaas. 8 muruq waxa ay kal yihiin ama u kala baxaan sidaan soo socoto:

1. Muruqa Xabadka ama shafka


2. Muruqa garabka

3.Muruqaha Lugaha

4. Muruqa Caloosha


5. Muruqa Bowda ama Cajirka

6. Muruqa Dhabarka

7. Muruqa Loo yaqaano Tricep ama muruqa saddex suulle

8. Muruqad loo yaqaano Bicep ama Muruq Labo Suulle

Sameeynta Jimicsiga waa muhiim in qofka oo sameeyo excercise asaga oo qaadaayo Biraha culus, qaadista Biraha culus waxa oo qofka ka badbadaa cuduro farabadan oo ku imaan lahaa waxa ayna kala yihiin cuduraas, sokorowga, dhiig karka, kansarka iyo cuduro fara badan oo halis ah.

Marka shabakada newbanaadir waxa ay idin balan qadeysaa in ay hal hal ugu hadli doonto murqaha aan kor ku soo sheegnay iyo sida ay ukala leeyihiin muhiimada, waana barnaamij bixi doona maalin kasta oo Khamiis ah, waxaan ugu tala galnay dadka jaceyl jimicsiga biraha Culus.



Lasoco Qeybta Labaad Khamiista Soo socoto.

W/Q:- Mohamed Ahmed

Xigasho gubtanews


_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog