Madaxweynaha Somalia iyo wafdigii uu horkacayey oo ku soo laabtay magaalada Muqdisho

Tuesday, December 18, 20120 comments


Madaxweynaha dowlada Somalia iyo wafdigii uu horkacayey ayaa galabta ku soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay socdaal qaatay labo cisho ku tageen magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti halkaasoo ay kaga soo qeyb galeen munaasabada furitaanka xuska sanad guuradii 40aad ee ka soo wareegtay markii la qoray farta Soomaaliga.


Madaxweynaha oo ay wafdigiisa ka mid ahaayeen xubno kala duwan ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey madax fara badan oo ka tirsan labada gole oo ay ka mid ahaayeen Raisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan iyo qaar kale.

Madaxweynaha Somalia ayaa maanta khudbad ka soo jeediyey munaasabada furitaanka xuska sanad guuradii 40aad ee ka soo wareegtay markii la qoray farta Soomaaliga isagoo xusay in dedaal loo galay hirgelinta qoraalka Soomaaliga uuna ka mid ahaa ardaydii loo diray gobolada dalka ee loo tababaray iney shacabka baraan qoraalka fartooda.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kulamo la soo qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale oo ka kala tirsan dalka Jabuuti iyo kuwo lagu casuumay shirkaas, aqoonyahano iyo abwaano fara badan, waxaana safarkan uu ahaa kii labaad ee uu ku tago Jabuuti tan iyo intii ku dhowaad 3 bilood ka hor loo doortay xilka madaxweynaha Somalia.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog