Sheeko Qosol Badan iyo Kofidaan Waxaa Ka tagay Ninkii Afaraad oo Lafahiisa Lacararay .. kkkkkkkkkkkk

Saturday, December 8, 20120 comments

Sheekooyinka Soomaalida waa kuwa inta badan si dhab ah u dhaca inkastoo laga yaabo in aadan toos ula kulmin balse aad sheeko uun ku Maqasho waxaan Caawa Jeclahay inaan idiin soo bandhigo Sheeko Qosol Badan.

Naag baa hada kahor Nin guursaday iyadoo Carmal ah Gurigii ay daganeed ayaa lagula aqal galay , Nasiib wanaag habeenkii labaad ayuu ninku arkay Sedex Koofiyad , Markaas ayuu dhahay yaa iska leh koofiyaashaal waxay dhahday soo Qubeyso dabadeed ayaan kaaga sheekeynayaa.

Isagoo is xanaajin ayuu warkeeda yeelay si uu u tixgalsho ugu danbeyn waxaa dhacday ineey uga sheekeyso , Waxay dhahday koofidaas casaanka ah waxaa iska leh Ninkeeygii hore ee iga dhintay wuxuuna ku dhintay Dagaal

Tan labaad waxaa iska leh , Ninkeeygii labaad kaasoo isagana ka dhintay waxaana dilay Subag aan ku qasbay sidaas awgeedna uu u geeriyooday.

Tan sedexaadna waxaa iska leh ninkii adiga kaa horeeyey hal sano kahor ayuuna dhintay isagoo u geeriyooday Cudurka Sokorta xanaaq aan anigu ugeestay awgeed.

Seygii oo Indho uun kasoo hareen ayuu afka intuu qabsaday ku yiri Bal hoo Koofiyadeeydana waxaad ku dhahdaa dadka Tan Afaraaadna waxaa iska leh Ninkeeyga oo Habeenkii Labaad Baxsad gurigeeyga uga baxay.

Waa madaalada Maanta & Bahda newbanaadir.com Qosolkaaga waa noo muhiim , Fikirkaaga ku Cabir Mowduucaan.

F.G Akhriste hadii aad Heyso Sheekooyin Layaableh ama Dhacdooyin kugu ama ku dhacay Qof aad garanayso Noosoo dir si Bulshadu noola Wadaag, Ma Ogaan doono inaad kasoo maanguuriso Website,Buug,& Maskax kale wax ay horay u qortay Mahadsanid.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog