Wasiir ku-xigeen ka tirsanaa xukuumada RW Saacid oo is casilay

Saturday, December 15, 20120 comments



Wasiir kuxigeenkii Wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta Abuukar Xasan Cali (Sheekh Abuukar Maqaney) ayaa iska casilay xilkiisa, kadib markii uu la mid ahaa 20-kii wasiir kuxigeeno ee uu shalay soo magacaabay Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Abuukar Xasan Cali oo horay uga mid ahaa Xildhibaanadii KMG ayaa sheegay in is casilaadiisa ay ka dambeysay markii uu wada tashi lak sameeyay beeshiisa oo ku kala sugan gudaha iyo dalka dibadiisa.

"Waxaan cadeynayaa inaan xilkii la ii magacaabay iska casilay, markii aan wada tashi la sameeyay xubnaha beesheyda ee ku kala dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa"ayuu yiri Abuukar Xasan Cali oo ka mid ahaa midowgii Maxkamada Islaamka.

Magacaabista Wasiir kuxigeenada ayaa waxaa ka soo baxayay shakiyo kala duwan, markii wasaarad walba loo magacaabay min labo wasiir kuxigeen, iyadoo aanay jirin awoodo lagu kala qayaxay wasiir kuxigeenada labada ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in si qaladka ah markii hore uu ku dhacay qaabkii magacaabista, iyadoo magaca Sheekh Abuukar lagu qalday nin kale oo lagu magacaabo Abuukar Sheekh Cabdi, isla markaana uu liiska sidaa ku galay, waxaana la sheegayaa in shalay markii la ogaaday Sheekh Abuukar laga soo wacay Madaxtooyada, dabadeedna lagu wargeliyay in xilka qofka loo magacaabay aanu isaga aheyn, sidaas darteed uusan xilka u heyn.

Qaladkan ayaa dhacay intii ay socotay dhameystirka liiska wasiir kuxigeenada, waxaana uu ka yimid dhanka Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo diiwaan gelinayay magacyada wasiir kuxigeenada min labada ahaa.

Si kastaba ha ahaatee shalay ayay aheyd markii 25-wasiir oo isugu jira 5-wasiiru dowle iyo 20-wasiir kuxigeeno lagu biiriyay wasiiradii 10-ka ahaa ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog