Al-Shabaab Oo Ku Eedeeyay Kenya Iyo Itoobiya Inay Doonayaan Inay Qabsadaan Gobalada Soomaaliay Qaarkood

Friday, January 11, 20130 comments










Kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeesay wadamada dariska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya in ay doonayaan in ay qabsadaan gobalada Soomaaliya,
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wadamadaan ay doonayaan in ay qabsadaan qaar ka mid ah gobalada Soomaaliya.
Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in labadaan wadan ay ku heshiiyeen in ay kala qaataan gobalada koofureed ee Soomaaliya isla markaana ay u ku darsadaan wadamadaada sida uu sheegay.
“labadaan dowladood heshiia ayay kuwa gaareen magaalada Nairobi oo ahaa in ay xoog ku qabsadaan gobalada Soomaaliya gaar ahaan Jubooyinka, Bay, Bakoo, iyo gobalka Gedo,”sidaasi waxaa yiri Cali Dheere.
Asaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay Cali Dheere in dowlada Kenya ay haatan shidaal ka qodonayso dhulka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin cid ka ceshanaysa, wuxuuna tilmaamay in ay doonayso in ay ku sii darsato deegaano kale oo ka tirsan Soomaaliya.
Cali Dheere ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka can oo ay arintaan ka dhiidhiyaan maadaama uu sheegay in haatan lagu soo duulay wadankoodii oo la doonayo in laga qaato.
Ciidamada Kenya ayaa qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana ciidamada Kenya ay ku suganyihiin qaar ka mid ah gobalada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin gobalada Jibooyinka.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog