Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose haweeneyda lagu magacaabo Ayaan Xasan Xuseen, ayaa waxay maanta ka badbaaday isku day dil qorsheysan, oo lagu doonaayay in lagu qaarajiyo.
Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa la sheegay in haweeneydaan uu khilaafaad buuran uu kala dhaxeeyay Gudoomiyaha Degmada Lafoole, kaasoo la sheegay inay isla gaareyn heerkii ugu sareysay.
Ciidan la sheegay in uu soo diray Gudoomiyaha Degmada Lafoole, oo u socday in duhurnimadii maanta ay soo qaarajiyaan Ayaan Xasan Xuseen, ayaa waxay wadada ku wada kulmeyn Ciidan galbinaayay Abaan Duulaha Ciidamada Xoogga dalka General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, xilli uu ku sii jeeday Degmada Afgooye.
Waxaa la sheegay in si kedis ah ay labada Ciidan halkaasi isugu fara saareyn, iyadoo goobtaasi laga eryay Ciidankii uu soo diray Gudoomiyaha Degmada Lafoole, sida caawa uu Warbaahinta uu u sheegay Cali Abuukar Cali “Cali Marooko”.
Cali Marooko waa Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Maaliyada ee Degmada Lafoole, wuxuuna sheegay in Gudoomiyaha Degmada Lafoole, uu maanta uu ugu talla galay in uu dilo buu yiri Ayaan Xasan Xuseen, balse wuxuu sheegay in Ciidankii galbineysay General Dhaga Badan, uu Alle uga soo bixiyay buu yiri meel wanaagsan.
Sidoo kale wuxuu sheegay Cali Marooko in isaga iyo Ayaan Xasan Xuseen ay labaduba khatar ugu jiraan in uu dilo sida uu hadalka u dhigay Gudoomiyaha Lafoole, wuxuuna Madaxda Dowladda, Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga uu ugu baaqay inay arintaan soo fara geliyaan.
Haweeneydaan iyo Cali Marooko ayaa waxay caawa labaduba ay ku sugan yihiin hoyga Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Lafoole Col. Geesey, baqdin ay ka qabaan awadeed in uu qaarajiyo Gudoomiyaha Lafoole.
Ilaa iyo iminka ma kala cadda khilaafaadka dhabta ah ee Masuuliyiintaan ka dhaxeeya, waxa dhabta ah ee uu salka ku haayo, iyadoo aysan weli si sax ah u kala cadeyn Masuuliyiintaan
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
