Maxakmada Ciidamada Qalabka Oo Baaritaano Kuwada Askar Loo Heesto Kufsi

Friday, January 11, 20130 comments













Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa sheegay in loo soo gudbiyay ilaa iyo labo eedeesanayo oo loo heesto danbiyo la xariiriira Kusfi.
Wuxuu sheegay gudoomiya in haatan eedeesanayaashaan ay baaritaano ay ku socdaan isla markaana la baaranayo danbiga loo heesto.
Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa sheegay in hadii eedeesanayaashaan uu ku cadaado danbigooda isla markaana ay ku marqaati furan marqaatiyaasha in xukun adag ay muteesan doonaan.
“Marwalba waxaan sheegaynaa in ragaan maxkamad la taagi doono isla markaana halkaasi laga sheegi doono wixii u soo baxaa laakiin aanan kiiskooda lagu joojin doonin si kale”Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha maxkamada.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xukunkooda uu dil noqon doono hadii uu ku cadaado danbiga loo heesto labadaan eedeesane eek u aadan in ay kufsi ka geesteen gobalka Shabeelaha Hoose.
Labadaan ruux ee lagu wareejiyay maxkamada ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya isla markaana ay soo qabteen ciimada maamulka ee gobalka Shabeelaha Hoose ka dibna ay ku wareejiyeen maxkamada ciidamada.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog