Guddoomiyaha Maxkamadda Sare dalka Caydiid Cabdillaahi
Ilka-xanaf ayaa si kulul ugu hadlay Sawir gacmeed Amin Caamir ka sameeyay oo uu
soo dhigay shabakadda uu Internetka ku leeyahay ee aminarts.com, kaasoo
muujinayay laaluush la siinayo Guddoomiyaha, sawirkaasi oo uu ku tilmaamay mid
laga leeyahay ujeedooyin gaar ah iyo meel ka dhac loogu geysanayo sumcaddiisa.
Caydiid Ilka-xanaf Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka
wuxuu sheegay in sharciga uu la tiigsan doono Farshaxaniiste Amiin Caamir oo uu
tilmaamay inuu meel ugu dhacay sumcaddiisa iyo been abuur uu ku kacay.
"Waa fadeexad nin
Garsoore ah oo Maxkamadeed lagu sameeyo tii ugu xumayd, waa sumcad dil iyo
sharaf beel ujeeddo gaar ah laga leeyahay oo ay wadaan dad dano gaar ah leh,
cidda waxan faafisayna waa cid wax lagu shubtay oo aan xog raadin” ayuu yiri
Guddoomiyaha oo sheegay in uu sharciga la tiigsan doono Amiin Caamir.
AVV Ilka-xanaf ayaa horay loogu eedeeyay masuqmaasuq iyo
saxiixa qoraallo lagu sii daayay rag gacan ku dhiiglayaal ah iyo kuwo Shabaab
ka tirsanaa, walow aysan caddeyn eedeymahaasi.
Sawir gacmeedka Amin Caamir uu ka sameeyay Guddoomiyaha
Maxkamadda sare ayaa muujinayaay Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo qaadanaya
laaluush howshiisana ay sidaas tahay, taasoo keentay inuu ka caroodo AVV
Ilka-xanaf.
Inta badan sawirada Amin arts ayaa beegsada arrimaha
siyaasadda dalka ka socda, kuwaasi oo uu ku cabirayo ama ka turjumaya dareenka
dadweynaha, waxayna intooda badan abuuraan xiisad iyo hadal hayn badan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
