Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo fariin culus u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

Wednesday, January 9, 20130 comments



Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka qeybgalay munaasaabad lagu xusayay afar sano guuradii ka soo wareegtay markii loo doortay Madaxtinimada Puntland ayaa khudbad dhinac badan taabaneysay ka jeediyay, taasoo lagu qabtay magaalada Boosaaso.

C/raxmaan Faroole ayaa mar uu khudbadiisa kusoo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Dowladda cusub ayuu sheegay in soo baxayaan qorshe wax looga badalayo Dastuurka lagu ansixiyay Muqdisho.

 Qorshahaasi ayuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Barlamaanka ka codsaday wax ka bedelka Dastuurka, wuxuuna Faroole u diray fariin ku aadan inuusan ku degdegin arinta dastuurka oo ah sharciga dalka, ergooyin ka socday Soomaliya oo dhan ay ansixyeen.

Wuxuu sheegay C/raxmaan Faroole in Puntland hormuud ka ahayd ka bixitaanka Dowladda Soomaaliyeed KMG-nimada, wuxuuna tusaale u soo qaatay saddexdii shire Puntland marti gelisay oo laba shir lagu qabtay Garoowe, halka kelena lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Gobollada kele ee Soomaaliya ayuu sheegay Faroole in looga baahan yahay inay dhistaan mamul gobolleedyo si ay uga mid noqdaan Dowladda Federaalka Somaaliya, isagoo xusay in Jubbooyinka hadda ay ka socoto dhistaanka maamul goboleed hoos tego dawladda Soomaaliya.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog