Ciidamada Amisom Oo Sheegtay Iney Weerar Ku Qaadeyso Deegaanada Gobolka Hiiraan Ee Gacanta Ugu Jira Xarakada Al-shabaab

Sunday, January 13, 20130 comments

Taliska Amisom ayaa sheegay iney weerar ku qaadi doonaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ee xiligan ku jira gacanta kooxda alshabaab taliyaha ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Beledweyne Korneel Cismaan Dubbad ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Amisom oo kaashanaya kuwa dowlada Soomaaliya ay weerar ku qaadayaan deegaanada ay ku suganyihiin ururka Alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee ka socda wadanka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in xliyida soo aaddan ay duulaan  ku yihiin  deegaanada ka maqan dowlada Soomaaliya ee ka tirsan gobolka Hiiraan, wuxuuna ballan qaaday in Amisom ay ka go’antahay iney gaarsiiyaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan nabadgalyada ka jirta magaalada Beledweyne oo ay si buuxda amaankeeda gacanta ugu hayaan Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamada Amisom ay ku jiraan diyaar garowgii ugu danbeeyey ee ay ku doonayaan iney kula wareegaan deegaano badan oo ay wali ku suganyihiin  ururka alshabaab oo looga itaal roonaaday  gacan ku haynta magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ka saareen Ciidamada Itoobiya  kuwaas oo  markii danbe ku wareejiyey ciidanka nabad ilaalinta midowga afrika  dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay.

Ciidanka nabad ilaalinta Amisom ayaa deegaano iyo gobolo badan ka riixay dagaalyahanada ururka alshabaab oo dhowrkii sano ee danbe ka ariminayey koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya  Amisom ayaa wacad ku martay  ineysan dagaalka joojin doonin ilaa ay dalka Soomaaliya ka sifeeyaan ururka alshabaab oo  la bohoobay ururweynaha al-qaacida.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog