Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa Maanta Howlgalo kala
duwan waxa ay kasameeyeen Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir kuwaa oo
lagu soo qab qabtay Rag katirsanaa Al-Shabaab uu kujiray Nin Sargaal ah.
Howlgalkan ay sameeyeen Ciidamada Nabad Sugida ayaa si gaar ah uga
dhacay Degmooyinka Dayniile ,Hiliwaa iyo Yaqshiid halkaas oo lagu soo
qab qabtay ilaa 7-Nin oo katirsanaa Al-Shabaab uuna ku jiray Nin Sargaal
sare oo Kooxdaasi katirsanaa.
Taliyaha ciidanka nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erag oo
Warbaahinta kula hadlay Goobtii Ragaan lagu soo bandhigay ayaa sheegay
in Ragan lagu soo qabtay Hoolgal Bartilmaameed la qorsheeyay sidaana ay
Ciidamadu ragaan gacanta ugu soo dhigeen.
Ciidamada Nabad Sugida ayaa Magaalada Muqdisho kawada Howlgalo ay si
gaar ah ula beegsadaan Raga la tuhmayo in Shabaab u shaqeeyaan kuna
sugan Qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com