Ciidamada Booliiska Kenya Ee Gobolka Waqooyi Bari Oo Heegan La Geliyay (Waa Maxay sababtaas....)

Saturday, January 19, 20130 comments


Booliiska ka howlgala gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa la geliyay heegan buuxa kadib markii ay dowladda Kenya shaacisay in gobolkaasi ay u talaabeen Ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Heeganka la geliyay ciidamda Booliiska gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa yimid kadib markii ciidamada Booliiska ee dalka Kenya ay sheegeen in ay heleen macluumaad ku saabsan in rag ka tirsan Shabaab ay soo galeen gudaha dalka Kenya,  iyagoo ka soo talaabay xadka ay Kenya la wadaagto Soomaalia.

Ciidamada ayaa sheegay in Shabaab ee soo galay gudaha Kenya ay doonayaan in ay falal amnidarro ah ka geystaan dalkaasi Kenya,  sidaasi darteedna heegan sare ay u galeen ciidamadu si ay uga hortagaan fal kasta oo liddi ku ah amaanka.

Dalka Kenya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa k sii kordhayay falal qorsheysan oo lala beegsanayay dad rayid ah iyo ciidamada amaanka dalkaasi,   iyadoo ciidamada booliska sheegeen in ay dabagal xoogan ku hayaan kooxaha xiriirka la leh Al-shabaab.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog