Daawo Fanaanka Cabdi Kariin Raas Iyo Xaskiisa Nimco Dagan Oo Soo Qaaday Hees Sida Heesa Hindiga Loo Tumay + Video

Thursday, January 3, 20130 comments

Fanaaniinta Lamanaha ah ee Cabdi Kariin Raas iyo xaskiisa Nimco Dagan oo mudooyinkaan lagu arkin fanka ayaa dib ugu soo labtay fanka ,iyaga oo durba soo qaaday hees u qaab eg heesaha Hindiga waxaana u garacay musiga koox Ajinabi ah.

Heestaan ayaa ku bilabanaysa marka aad fiirsato music Hindi ah waxana u malaynaysa in ay tahay hees Hindi ah oo Afsoomaali laga dhigay lakiin daqiiqado kadib heesta waxay isku badalaysaa hees Soomaali ah waliba waxaad ka dhax maqlaysa kabanka heesaha Soomaaliga ay caanka ku yihiin.

Labadaan Fanaan Cabdi Kariin Raas iyo Nimco Dagan oo ah labo fanaan oo isqaba ayaa ku raxaystay heestaan u qaabka eg heesaha hindiga ,waxayna durba heestaan noqotay hees ay aad u dawadeen dadweynaha Soomaaliyeed ee xusayay sanada cusub ee 2013.

Fanaaniinta Soomaaliyeed qarkood ayaa ka tunta musiga kooxa Ajinabi waxaana ka mid ah fanaaniintaas fanaanka Aar Maanta iyo waliba kooxda Waayaha cusub oo inta badan musiga ay u garacaan dhalinyaro ajinabi ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Kenya.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog