Daawo Sawirada Magaalada Garoowe Oo Hormar Ka Sameysay Dhinacyada Ganacsiga Iyo Dhismaha

Sunday, January 13, 20130 comments

Magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa hormar baaxad leh ka sameysay dhinacyada ganacsiga iyo dhismaha.

Hormarka dhinaca dhismaha ah ee ay sameysay magaallo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa waxa uu sabab u noqday in bilicda magaalada laga dareemmo isbedel aad u ballaaran waayo qofkii sanaddo ka hor garanayey muuqaalka Garoowe wuu ka duwanyahay sida uu ahaa.

Dhismooyinka magaalada laga hirgeliyey oo ay kuwo aad u tirabadan ayaa waxey isugu jiraan dhowr qeybood kuwaasi oo kala ah:-

Dhismayaal ay magaalada ka hirgeliyeen dad u dhashay magaalada amaba kasoo jeeda kuwaasi oo badankood kasoo laabtay qurbaha waxaana magaalada ay u yimaadeen iney ku sameeyaan maalgashi waana qeybta ugu ballaaran ee suurta gelisay bilicda iyo hormarka dhanka dhismaha ee ay ku talaabsaneysay sanadihii ugu dambeeyey magaalada Garoowe waayo waxey dadkaasi qurba joogta ahi magaalada ka hirgeliyeen dhismayaal u badan kuwa ganacsiga sida Hoteello.

Qeybta labaad ee dhismooyinka magaalada Garoowe laga hirgeliyey sanadihii ugu dambeeyey waa dhismayaal ay hirgeliyeen amaba ka dhisteen magaalada Hay’adaha samafalka iyo kuwa kale ee caalamiga ah kuwaasi oo magaalada xarummo waaweyn ku leh maadaama ay Garoowe tahay caasimadda Puntland, xarumahaasi ay hay’adaha leeyihiinna ma ahan kuwo tiradooda lasoo koobi karo balse waxey door weyn ku leeyihiin dib u dhiska iyo bilicda hada ka muuqaneysa magaalada Garoowe.

Qeybta Seddexaad ee dhismooyinka waa dhismayaal ay ku shaqeeyaan hay’adaha kala duwan ee maamulka Puntland waxaana dhismayaashaasi hirgeliyey maamulka oo kaashanaya qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah,iyana waxey qeyb ka yihiin dhismayaasha muujinaya bilicda iyo hormarka ay magaaladu ka gaartay dhanka dhismaha sanadihii ugu dambeeyey.

Kaliya magaalada Garoowe kama aysan hormarin dhanka dhismaha oo waxey sidoo kale ka hormartay dhinacyo badan waxaana ka mid ah dhinacyadaasi dhanka ganacsiga ayadoo hormarka dhanka ganacsiga ah ee ay magaaladu ku talaabsatay uu yahay mid bar bar socda hormarka dhanka dhismaha iyo dhinacyada kala duwan kuwaasi oo sanadihii lasoo dhaafay ay magaaladu hormar ka sameyneysay.

Magaalada waxaa ku yaala suuqyo kala duwan waloow suuqyadaasi ay kala weyn yihiin hadana dadku baahida ay suuq u qabeen wey ka haqab tiraan waxaana xusid mudan in suuqyadaasi ay leeyihiin carwooyin caalami ah kuwaasi oo si aad ah u camiran.

Sidoo kale magaalada waxey hormar baaxad leh ka sameysay dhanka Waxbarashada oo magaalada waxaa ku yaala dugsiyo waxbarasho oo aad u farabadan kuwaasi oo dhalaanka wax lagu baro kuwaasi oo isugu jira dugsiyo Hoose,Dhexe iyo Sarre,machadyo iyo sidoo kale Jaamacaddo Shan ka badan.

Ka sokoow magaalada Garoowe iney tahay Caasimadda Puntland waa xarunta gobolka Nugaal waxaana magaalada ay muhiim u tahay isku xirka gobollada Waqooyi Bari,Waqooyi Galbeed iyo Koonfurta Dalkeenna, xaafaddo ahaanna magaalada Garoowe waxey ka koobantahay Sideed Xaafadood.

Kumasoo koobi karno hal qormo oo qura isbedelka hormarineed ee dhinacyada ganacsiga iyo dhismaha ah ee ka muuqda magaalada Garoowe waxaase isbedelkan hormarineed ee ka muuqanaya Garoowe uu qeyb ka yahay hormarro guud oo ka muuqanaya magaalooyinka Dalkeenna.



























Photo By:-Cabdi Xasan Rooble (Awoowe)

Xigasho radiomuqdisho
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog