Magaalada Muqdisho oo mudooyinkaan dambe la ciir ciireeysa gawaarida ay isticmaalaan dadka qurba joogta ah ee kusoo noqday dalka.

Saturday, January 12, 20130 comments

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya oo maalmahaan dambe nabad soo noqneeysay ayaa taasi waxay keentay isbedal dhan walba ah, iyadoo magaalada ay kusoo qul qulaayaan qurba joogta soomaalida iyo sidoo kale xubno kale oo ka mid ah ajaaniibta caalamka.

Magaalada ayaa waxaa si xowli ah ugu soo batay gaadiidka iyadoona xilliyada qaar markaad la kulanto wadadii oo xiran aad moodayso in shacabka ay ka badan yihiin gaadiidka.

Magaalada waxaad is leedahay mararka qaar qof walba miyaa gaari soo gatay, waayo waxaa magaalada oo dhan wada socda gaadiid yar yar ah misane ah nooca ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya la keeno.

Dadka yimid magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay aad u xiiseeynayaan gaadiidka loo yaqaano NOHA, waxaana gaarigaas uu ku fadhiyaa lacag dhan 7 ilaa 10-kun oo doolarka Mareekanka ah.

Sidoo kale magaalada Muqdisho waxaa si aan caadi ahayn ugu soo batay haweenkna iyaga gacantooda ku wata gaadiidka, iyadoona maalmihii hore dadka ay aad ula yaabi jireen laakiinse hadda lala qabsaday.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa habeen iyo maalin kusoo badanaaya gadiidka iyadoona taas ay ku tuseeyso in nabaddii magaalada ay soo bidhaantay.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog