Dhacdo Layaab Leh oo lagu arkay askari katirsanaa ciidanka Jarmalka kadib markii xabadkiisa uu ka soo baxay

Thursday, January 24, 20130 comments

BERLIN : -Nin ka tirsan malitiraga dalka Jermalka ayaa lagu soo waramaya in ay qabsatay dhacdo la yaab ah kadib markii uu ka soo baxay hal naas oo kaliya, ninkaan ayaa lagu arkay xiliyada la leeylinayo ciidanka isaga oo leh naas, layaabka ugu darnaa ayaa ah kadib markii uu ninkaan ka tirsan ciiidanka Jarmalka uu leeyahay hal naas kaas oo ah naaska bidix.

Ninkaan ayaa lagu soo waramayaa in ay sabab utahay yeelashada naaska kadib markii cadaadis laga saaray xabdka isaga oo qofka laga garaaco xabadka sidaasna waxaa sameeya kuwa bixiya tababarka.

Ninkaan uu naaska ka soo baxay ayaa ka tirsanaa guutada loo yaqaano Wachbataillon, 75% guutadaan ciidanka ka tirsan ayaa kuleh qeybta bidix ee xabadka naas, waxaana la sheegay in ay sabab u tahay waxa loo yaqaano gynecomastia oo ah maada sababta in uu naaska soo kobco, Warkaan oo lagu soo daabacay maanta oo khamiis ah website www.metro.co.uk.

Professor Bjorn Krapohl ayaa sheegay “in ay jiraan xiriir aan sidaa u buurneen oo ka dhexeeyo qaabka ay ciidamada u qaataan tababarka iyo in uu soo kobco naaska kan xiga qeybt bidix” hadalka Professor Bjorn Krapohl ayaa ku soo aaday kadib markii la marsiiyay baaritaan askariga katirsanaa ciidanka.

Professor Bjorn Krapohl oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri “ waxan soo jeedin lahaa in la badalo qaabka ay u qaataan ciidanka tababarka, cadaadiska iyo jugeeska lagu haayo qeybta bidix ee xabadka ayaa noqon kara sabab uu naas ku soo baxo”.

Militariga jarmalka ayaa sheegay in dhannkiisa isagane isku hooli doono baaritaan uu ku sameeyo ragaan katirsan ciidanka ee naas ka soo baxay, ciidanka naaska ka soo baxay ayaa qaata daawooyin wax looga qabanayo xaalkooda.

Xigasho : 1. http://international.okezone.com/read/2013/01/24/214/751095/waduh-tentara-pria-jerman-miliki-payudara

2. http://cast-news.blogspot.com/2013/01/german-soldiers-growing-breasts-due-to.html



W/Q : Daalac Daahir Shoot











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog