DAAWO SAWIRRADA:-Magaalada Gaalkacyo Oo Laga Dareemayo Hormar Dhinacyada Dhismaha Iyo Ganacsiga Ah

Sunday, January 20, 20130 comments


Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa laga dareemayaa mudooyinkii ugu dambeeyey hormar dhinacyada dhismaha iyo ganacsiga ah ayadoo hormarkaasi ka jira magaaladana uu keenay in durbaba isbedel dhanka bilicda ah laga dareemo magaalada Gaalkacyo.
Isbedelkan hormarineed ee ka jira magaalada Gaalkacyo ayaa yimid kadib mudooyinkii ugu dambeeyey ay magaalada si aad ah usoo dhismeysay waxaana dhismahaasi iyo goobo ganacsi oo waaweyn oo laga hirgeliyey magaalada Gaalkacyo ay wax weyn ka bedeleen muuqaalkii Gaalkacyo.
Hormarkan dhanka dhismaha iyo ganacsiga ee ka jira magaalada Gaalkacyo ayaa ku yimid kadib markii ay si aad ah Gaalkacyo ugusoo laabteen sanadihii ugu dambeeyey qurba joogta magaalada u dhalatay kuwaasi oo iyagu soo laabashadooda kadib ka qeyb qaatay dib u dhiska Dalkooda,qeytaas ayaana ah qeybta ugu weyn ee dhismaha magaalada Gaalkacyo ka hirgelisay.
Inkastoo magaalada Gaalkacyo ay laba maamul siyaasad ahaan ka kala taliyaan hadana is dhexgalka bulshadu waxa uu aad uga duwanyahay sida uu ahaa sanadihii hore waayo dadku hada waxey isku dhexgalayaan ama isku dhexmaraan si isku mid ah taasina waxey kuu muujineysaa in wacyiga dadka oo si aad ah uu wax iskaga bedelay ay sabab u tahay in magaalada Gaalkacyo ay si aad ah u dhisanto.
Dhismooyinka magaalada laga hirgeliyey waxey u badan yihiin Hoteello kuwaasi oo iyagu labadii sano ee aynu kasoo gudubnay magaalada si aad ah looga dhisay waxaana maagalada Hoteellada ku yaala ay ku dhowyihiin 100 Hotel.
Kuma koobna oo qura hormarka ay magaalada Gaalkacyo sameyneysay sanadihii ugu dambeeyey dhanka dhismaha oo waxaa sidoo kale ay magaaladu si aad ah hormar uga sameysay dhanka ganacsiga waayo Gaalkacyo hada waxaa ku yaala suuqyo farabadan kuwaasi oo maalin walba ay dadku u dukaameysi tagaan.
Marka aad suuqyadaasi tagto waxaad ku arkeysaa goobo ganacsi oo ay ka mid yihiin carwooyinka kuwaasi oo loo sameeyey si la mid ah sida carwooyinka ku yaala dalalka dunida hormaray waxaana carwooyinkaasi looga adeegtaa si lamid ah sida carwooyinka dalalka caalamka,waxaana dadku ay ka helayaan wax walba oo baahidooda la xiriirta.
















































_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog