newbanaadir.com - Ahmed Dogan oo ah hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa xaqa iyo xoriyada (MRF) ayaan wax dhaawac ah soo gaarin ninkii bastoolada watayna waxaa dhulka ku dhuftay ilaaladiisa.
Falkan
ayaa dhacay kulan uu lahaa xisbiga kana dhacayay magaalada Sofia. Wasiirka
arrimaha gudaha Tsvetan Tsvetanov ayaa sheegay in ninka soo weeraray
hogaamiyaha Turkiyiinta uu isku dayay in uu labo xabadood ku rido balse
xabadihii ayaa u dhici waayay oo ka katibay.
Wasiirka
ayaa intaa raaciyay in ninka isku daygan geystey uu ahaa nin hore loogu yiqiin
dambiyada isla markaana dhac iyo mooryaanimo hore u geystey. Booliska ayaa
xiray ninka wax weeraray oo ahaa 25jir ka yimid magaalada ku taal badda madow
ee Burgas waxana uu sidoo kale watay labo mindi.
Xisbiga
MRF ayaa waxa u wakiil ka yahay dadka Turkiga ah iyo Muslimiinta kale ee ku
nool dalka Bulgaria kuwaas oo ah 12% tirada dadka dalkaas ee toddobada
millionka ah. Mr Dogan oo 58 jir ah ayaa hogaaminayay xisbigan muddo 25 sano
ah. Waxana uu dib ugu soo laabtay shirkii kadib markii uu dhacay weerarka lagu
soo qaaday.
Madaxweynaha
Bulgaria Rosen Plevneliev ayaa hadal uu ka soo saaray dhacdadan waxa uu ku
sheegay in uu ka xun yahay isla markaana ay ahayd mid aan dimuqraadiyad ahayn
oo aan la aqbali karin. Weerarada lagu qaado siyaasiyiinta ayaan hore uga dhici
jirin wadanka Bulgaria hase ahaatee sanadkii 1966dii ayaa R/wasaarihii
xilligaas Andrei Lukanov waxaa laga helay meydkiisa meel ku dhow guriga uu ka
degenaa magaalada Sofia iyadoo la toogtay

