Waxaa shir ay isugu yimadeen aqoonyahano, Dhalinyaro, culima uwdiin, iyo haween u dhashay Degaanada Puntlanad ay ku dhawaqeen urur lagu magcaabo isbahysiga Rajo soo celinta Puntlanad, (Puntland Hope restore alliance)kaasi ka soo hor jeeda mudo kordhinta Maamulka Faroole.
Ururkaani waxuu si cad u difaacayaa in aan lagu xad gudbin dastuurka Puntlanad, waxa uuna ilaalinyaa xaquuda asaasiga ah ee muwaadinka reer Puntlanad iyadoo oo u maraayo talooyinka iyo himilooyinka wax ku oolka ah ee bulshda, sida ay kuwarameen aasaasayaash.
“Waxuu sidoo kale u horseedi doonaa degaanada Puntlanad rajo mug leh oo maamul wanaagan waxaana diirda saari doonaa la dagaalnka musuq maasuqa iyo amaan, xumada waxa uuna abuuri donaa ilo dhaqaale iyo mid shaqo”, sidaa waxaa lagu yir war ay soo saareen abaabulayaasha Isbaheysiga.
Gudoomiyaha Ururkaan ee ku meel gaarka ah oo la hadalyey saxafaada ayaa shaaca ka qaaday in ay aysan oglaan doonin wax mudo kordhin oo maamulka xiligan jogaa ku talabsado waxuuna uga digay in bulshada la’iska horkeeno.
Dhankale, waxuu ugu baaqay shacab weynaha Puntlanad in ay ilaaiyaan amaanka ayna ogaadaan waxa socda , waxuu kaloo uga digay Faroole iyo taageerayaashiisa in ay sameeyaan awood ciidan iyo mid dhaqale in ay u istcmaalaan dadka shacaka isbedel doonka ah.
“Hadii taasi timaado waxaa ka soo bixi doona cawaaqib xumo ka dilaacada Puntlanad”, ayuu sii raaciyay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com