Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Djibouti, Jaamac Maxmuud Xeyd oo waayahaan
xanuunsanaa ayaa waxaa lasheegay in habeenkii xalay ahaa uu ku
geeriyoday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Laba isbuuc ayuu ku xanuunsanaa Jaamac Cusbitaalka kadib markii dhiig madaxa uga furmay sida ay xaqiijiyen masuuliyiinta dalka Djibouti.
Marxuumka ayaa lafilayaa in aas qaran loogu sameeyo gudaha dalka Djibouti, waxa ayna sheegayaan masuuliyiinta Djibouti in gudaha xarunta dalkaasi ay ka socdaan howla lagu qaban qaabinayo aaskiisa .
Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Djibouti, Jaamac Maxmuud Xeyd ayaa lasheegay in uu xilkiisa intii uu hayay uu ahaa ruux si aad ah loogu amaanay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
