Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax
Shirdoon (Saacid)ayaa shaaciyay in Xukuumaddiisa ay dib u bilaabi
doonto wadahadalladii u dhaxeeyay Dowladda iyo maamulka walaalaha
Waqooyi Galbeed Soomaaliya ee Somaliland, ayadoo dhanka kalena uu
Ra’isulwasaaruhu wadahadalladaasi ka muujiyey rajo wanaagsan.
Mudane ‘’Saacid’’ ayaa shaaca ka qaaday in ay xukuumadiisu bilaabi
doonto Wadahadaladii nabadeed ee isku xiriyay dowladda iyo walaalaha
Soomaaliland, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadaladaasi ay
meel wanaagsan ku dhamaandoonaan.
R/wasaarae ‘’Saacid’’ ayaa hoosta ka xariiqay in midnimada Soomaaliya
ay ku timid dadaal xoogiisu ka yimid walaalaha Soomaaliland, isagoo ku
Guubaabiyay walaalaha Soomaaliland in hadda looga fadhiyo dadaal ka
badan kii hore.
‘’Caalamka waxaan ka codsaneynaa in ay nagu gacan siiyaan dadaalka
aan anagu la nimaado, falsafada isbedel doonku waxaa weeye wixii gudaha
ka yimaada oo dadka Soomaaliyeed ay rabaan in lagu gacansiiyo ee ma
ahan gacan dheer in loola yimaado’’ ayuu yiri R/wasaare ‘’Saacid’’.
Arrintan uu ka dhawaajiyay R/wasaaraha ayaa loo arkaa mid dib usoo celin karta midnimadii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
