Gudoomiyaha gobolka Banadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka digay in la dhisto hareeraha waddooyinka

Wednesday, January 9, 20130 comments


Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka digay in la dhisto meelaha bulshada ka dhaxeeya sida marshabiyeediga.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha gobolka Banadir ayaa ka digay in la Dhigto Baabuurta wadooyinka dhexdooda oo ay qatar ku yihiin amaanka iyo habsami u socodka wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Mak Al mukarama oo ah jidka ugu mashquulka badan  magaalada isla markaana xudunta u ah caasimada  waxuuna sheegay in uu maamulku soo wado qalab iyo gaadiid cusub oo lagu qaado gawaarida sida sharci darada ah loo dhigo laamiyada.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa tilmaamay in talaabo sharci ah laga qaadi doono Ganacsatada qaarkood oo uu sheegay in ay liddi ku yihiin bilicda magaalada Muqdisho kuwaas oo waxyaabaha ka hara guryaha ay dhisanayan sida dhagxaanta iyo qashinka kaga taga hareeraha laamiga  iyo dadka guryaha aan sharciga aheyn ka dhista hareeraha waddooyinka.

Hadalka gudoomiyaha ayaa imanaya xilli uu sii kordhayo ciriiriga wadooyinka Magaalada Muqdisho iyadoo wadayaasha qaar ay gaadiidkooda dhigtaan hareeraha wadooyinka taas oo keeni kara amaan daro iyo shilal qasaaro geysta.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog