Shacabka ku dhaqan Buuraleyda Galgala ayaa ka cabanaya dhibaatooyin kala duwan oo ay ku hayaan Xarakada Al-Shabaab iyo Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaankaasi.
Qaar ka mid ah dad ka soo barakacay deegaanka Galgala ayaa sheegay in ay deegaankooda uga soo barakaceen dhibaatooyin ay u geysteen labada ciidan ee had iyo jeer ku dagaalama deganadaas, sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay saameyn ku yeelatay dagaalada ka dhaca halkaasi oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Xarakada.
‘’Hada wax an ku suganahay Boosaaso, waxaana ka soo barakacay deegaanka Galgala kadib markii ay sameyn nagu yeesheen dagaalada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Shabaab, iyo dhibaatooyin farabadan oo ay noo geysteen Shabaab ee gabbaadka ka dhigtay degaankeena’’ayuu yiri Sharma’arke oo isagoo ku sugan boosaaso la hadlay Warbaahinta.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli dhawaan horjooge Sheekh Cali Dheere uu ku hanjabay in Calankii Islaamka laga taagi doono deegaanada Puntland, iyadoo dad badan ay rumeysanyihiin in Madaxda Al-shabaab ay hadda isku ururinayaan buuraleyda Galgala.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)