Waxaa maanta Magaalada Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari ka soconeysa qaban qaabo ballaaran, oo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland loogu caleemo saaraayo hal sano, oo uu Maamulkiisu uu ku darsaday.
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo uu waqtigiisu uu ku ekaa Talaadada maanta ah, ayaa waxaa markale loo caleemo saarayaa muddo hal sano ah, oo ay si weyn uga soo horjeesteen qaar ka mid ah bulshada reer Puntland.
Waxaa maanta yaraaday dhaq dhaqaaqii guud ee Magaalada Boosaaso, iyadoo wado kasta ay taagan yihiin Ciidan xoogan oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland ee Magaalada Boosaaso.
Sidoo kale waxaa maanta baaqday banaanbaxyo la filaayay inay ka dhacaan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ka gadaal markii Siyaasiyiinta mucaaradka ay ku baaqeyn isu soo bax ballaaran.
Dhanka kale waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Xaruunta Maamulka Puntland laga soo waday kooxo Wariye-yaal ah, si’ay markaasi u soo tabiyaan xaflad uu caawa Dr. Faroole uu ku qabsanaayo Magaalada Boosaaso.
Si kastaba ha-ahaatee Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar ayaa waxaa baaqday kulan lagu waday inay isugu yimaadaan Nabadoonada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka, oo iyagu sheegay inay sameysanayaan Maamul Ku Meel Gaar ah.
W/Q: Abdihakim Awke Tarabi
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
