Magaalada
Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay la arkayay Haween badan oo isku
diyaarinayay soo dhaweynta ragooda oo Mudo sanado ah ka maqnaa iyo kuwa
kale oo iyana isku diyaarinayay aqal galka lamaanahooda oo iyana dalka
kusoo food lahaa.
Hablaha ugu badan ee
fashilka ku yimid ayaa ahaa kuwa Ragooda ay ku suganyihiin Dalka Koonfur
AFrika kuwaa oo isku soo diyaariyay kasoo tagista dalkaasi
boorsooyinkoodana soo cabeestay balse lagu adkeeyay sidii ay Dalkooda
dib ugu soo laaban lahaayeen.
Raga isku diyaariyay in
ay kasoo tagaan Dalka K/Afrika ayaa qaarkood waxa ayba soo direen
lacagihii guryaha loogu hagaajin lahaa iyagoona amray Xaasaskii ay ka
tageen in ay huruud iyo cilaan sii marsadan halka kuwa kalana ay soo
shubeen lacagihii ay ku guursan lahaayeen alaabana loo sii diyaariyay
xitaa loo doonay qarakood haweenkii ay guursan lahaayeen durba marka ay
magaalada yimaadaan.
Haweenkii sidaa isku
diyaariyay dhoorayayna ragooda ayaa fashil ku yimid Cilaankiina ka
tirmay kuna daalay kali jiifadka alaabta quruxda badan ee loo diyariyay
soo dhaweynta lamaanahooda nolosha ay wadaageen ay Mudo kala maqnaayeen ayna filayeen in ay kazoo duulaan S/Afrika.
Arimahan ayaa yimid ka gadaal markii Boqolal Muwaadinin Somali Ah Oo
Sanadkan Cusub Qorsheynayay Inay kusoo laabtaan Dalkooda Hooyo gara
ahaan Magaalada Muqdisho Ayaa Ku Xayiran Magaloyinka Dalka Koofur Afrika
Kadib Markii Dowlada Koofur Afrika Gaar Ahaan Waaxda Socdaalka Iyo
Jinsiyadaha Ay Gabi Ahaanba Joojisay Socdaalkii Somalida Ay Dalkoda Dib
Ugu Laaban Lahaayeen Madama La Kansalay Isla markaane Dowlada Koofur
Afrika Ay Diiday Waraqadaha Go Home-ka Iyo Pasaporka Somaliga Ah In Lagu
Baxo,
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com