Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland ka jira ayaa ka hadlay dareenkooda ku aaddan Aqoonsiga uu Dalka Mareykanku dhowaan siiyey Dawladda Federaalka ah ee Somalia, kaas oo la sheegay inay dawladda Maraykanku joojisay qaabkii ay hore ugula xidhiidhi jiray maamullada ka jira Somalia oo uu si toos ah ula shaqayn doono Dawladda fedraalka ah oo kelya, taas oo ay Xisbiyadu sheegeen inay aaminsan yihiin inaanay Somaliland ku jirin Maamullada uu Maraykanku sheegayo oo ay Somaliland tahay mid ka max bannaan Somalia iyo Maamulladeeda.
Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland oo si gooni gooni ah khadka telefoonka ugu waramar Wargeyska Saxansaxo si aanu wax uga waydiino dareenkooda ku aaddan arintaasi, ayaa waxa ay sheegeen inay Somaliland iyo Maraykanku yihiin laba dal oo xidhiidh leh, isla markaana aanuu maraykanku marna carrabka ku dhufan Somaliland inay ka mid tahay maamulladaasi, iyaga oo ay qaar sheegeen in haddii ay arintaasi jirto ay tahay wax laga xumaado.
Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo aanu wax ka waydiinay arintaasi, ayaa waxa uu yidhi “Ka Waddani ahaan waxaanu u aragnaa arintaas hadal siyaasadeed aqoonsiga Maraykanku siiyey Somalia, waxaananu u aragnaa inay tahay arinta uu leeyahay waxaanu la xidhiidhaynaa Dawladda Federaalka mid uu ula jeedo maamulada kaleee Somalia ka jira ee aanay Somaliland ka mid ahayn inuu u jeedo oo ay Somaliland gaar ka tahay horena ay uga ahayd, waxaanay taasi noqonaysaa mid Somaliland u wanaagsan maadaama ay Somalia mid noqonayso oo ay Somaliland-na gooni ka rahay, waxay noqonaysaa in ay meeshaas ka soo baxaan Somaliland oo gooni ah iyo Somalia oo si raacsan oo laba qaybood oo isku mid ah u wada xaajooda, markaa taasi waxaanu u aragnaa inaanay Somaliland ka mid ahayn maamullada uu maraykanku sheegayo oo uu doonayo maraykanku inuu mideeyo maamullada kale ee Somalia ka jira”
Ibraahin Mahdi Buubaa waxa uu dhaliilay siyaasadda arimaha dibedda Somaliland, waxaanuu yidhi “ Mushkiladda haysata Somaliland ee Siyaasadda Arimaha Dibedda waa mid ay canaanteedu haysata Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye oo sida ay wax u wadaan aanay ahayn mid sidii loo baahnaa u socota, waxaana ka muuqda dib u dhac badan oo keeni kara dib u dhac haddii aan wax laga bedelin Siyaasadda arimaha debadda, haddii uu Maraykanku sidaas la sheegayo ay dhab ka tahayna waanu ka xunnahay”
Xog-haye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdi Naasir Yuusuf Cismaan oo aanu isga wax ka waydiinay arintaasi waxa uu ku jawaabay “Qaddiyadda Somaliland Maraykanku wuu ogyahay, waxaanan filayaa inaanay Somaliuland waxba iska bedeli doonin oo ay Somaliland tahay mid ka madax banana, wax Somaliland ku iman karaa ma jiro ayaan qabnaa, waanuu ogyahay inay Somaliland aanay Gor gortan geli Karin, waxaan qabaa inay u jeedaan Maamuladda kale ee Somalia ka jira”
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo isagana aanu wax ka waydiinay dareenka Xisbigiisa eek u aadan aqoonsiga Maraykanku siiyey Somalia iyo saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland waxa uu ku jawaabay “Waxaanu u aragnaa inaanay Somaliland ku jirin Mamullada uu Maraykanku sheegayo inuu bedelay qorshihii uu kula shaqayn jiray oo ay wada hoostegeyaan Dawladda Somalia, waxaanu u aragnaa inay yihiin maamullada kale ee Somalia ka jira ee sida Puntlan, Ximin iyo Xeeb iyo kuwa kale, Somaliland-na waxa weeyaan Dawlad gooni ah oo aan maamul lagu sheegi Karin, Maraykankuna carabka kumuu dhufan Somaliland, markaa waxanu u aragnaa inaanay Somaliland ku jirin oo uu sidii yahay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku”
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com