Ra'iisul Wasaare Soomaaliya oo sheegay in Caalamka uu si deg deg uga jawaabay baaqyadii kala duwanaa

Saturday, January 19, 20130 comments


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto mustaqbal fiican, isagoo bogaadiyay jawaabta ka imaaneysa beesha caalamka oo ku aadan baaqyadii ay horay ugu jeediyeen.

Wareysi uu siiyay Radio Muqdisho ayuu Ra'iisul Wasaaruhu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in lagu kalsoonaan doono maamulka dowladda Soomaaliya.

"Waa ku faraxsanahay in waqtiga uu u sido soomaaliyada cusub, ee aan maanta dowlad ka nahay, mustaqbal fiican iyo wax wanaagsan, gudaha iyo dibada ayaa u rajeyneynaa"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in iskaasho badan ay ka arkeen shacabka Soomaaliyed, isla markaana amaanka uu ka fiicnaan doono sida haatan yahay.

"Iskaashiga badan ee aad dadka ka aragnay iyo caalamka hambalyeynayaa sida caalamka uga jawaabay baaqyada kala duwanaa, alle idinkiisa amaanka waa fiicnaan doonaan, maamulka waa lagu kalsoonaan doonaa waa baabi'i doonaa burcad badeedka iyo argagxiixsada"ayuu yiri Ra'iisul Wsaaare Saacid.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay mudan yihiin in la aamino, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyed inay gacmaha is qabsadaan, isla markaana ay ku kalsoon yihiin mar walba.

Dowladda Washington ayaa sheegtay in 20-sano kadib ay aqoonsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, markii sanadkii hore ay ka baxday KMG, iyadoo ay ixtiraatimeyso Midnimada Soomaaliya iyo dhulkeeda.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog