Ingiriiska oo ka fekeraya inuu isaga baxo Midowga Yurub

Thursday, January 24, 20130 comments

Wadanka Ingiriiska ayaa lagu wadaa inuu dhawaan bilaabo wadahadalo ku aadan xubinimadiisa Midowga Yurub, kadib markii dhaqaalaha dalkaasi Ingiriiska uu hoos si weyn ugu dhacay.

Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa maanta lagu wadaa inuu sheego xiliga la qaban doono Aftida shacabka Ingiriiska laga qaadi doono inay kusii jiraan Midowga Yurub ama gebi ahaan isaga baxaan.

Waxaa la filayaa in David Cameron sheego in dhamaadka sanadka 2017 la qaban doono afti ay shacabka ingiriiska ku go’aansan doonaan xubinimadooda Midowga Yurub.

Go’aankan ayuu qaatay Raysalwasaaraha Ingiriiska xili ay sii kordheyso dhaliisha siyaasiyiinta kamid ah Xisbigiisa iyo waliba qaar kamid ah waxgaradka dalkaasi Ingiriiska oo sheegay in hoos u dhaca ku yimid dhaqaalaha ay salka ku heyso xubinimadooda Midowga Yurub.

Sanadihii lasoo dhaafay ayuu hoos u dhac dhaqaale ku yimid wadamo badan oo kamid ah Midowga Yurub gaar ahaan, dalalka Giriiga, Talyaaniga, Spain iyo Portogal, arrintaasi oo saameyn xoogan ku yeelatay dalalka kale ee kamid ah Midowga Yurub ee iyagu dhaqaalahooda xooganaa.

Dalka Ingiriiska ayaa kamid ah wadamada Midowga Yurub ee aan weli adeegsan lacagta ka dhaxeysa ururkaasi ee loo yaqaan Yuro (Euro), dalka Ingiriiska ayaa rajeenaya in ka bixitaankooda Midowga Yurub ay fududeyn karto maadaama ay weli isticmaalaan lacagtiida istarliin-ka (pound).











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog