Madaxweynaha Dowladda Puntland Ee Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtey

Wednesday, January 23, 20130 comments


Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta dib ugu soo laabtey dalka kadib safar gaaban oo uu ku tegey dalka Jabuuti.
Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadley garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso ayaa sheegay in muddadii uu joogey dalka Jabuuti, uu ka qaybgalay aas qaran oo loo samaayay Guddoomiyihii Bangiga dalka Jabuuti, Jaamac Maxamuud Xayd (AUN)
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu madaxda dalka Jabuuti kala soo hadley arrimo la xiriira ganacsiga iyo amaanka, kadib markii Puntland ay ku soo qul-quleen kooxo naflaacaari ah, sida Madaxweynuhu hadalka u dhigay.
Dhanka kale Dr.Faroole ayaa soo dhaweeyey in dalka Maraykanku aqoonsadaan Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta, Soomaaliya waxay xornimada qaadatey 1960 marna ma dhumin dowladnimadeedii iyo madaxbanaanideedi, 22 sano ee bur-burka lagu jirey waxaa jirey dalal Safiiro ka joogeen Soomaaliya kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa derska Soomaaliya la ah. ayuu yiri Dr.Faroole








W/Q: Abdihakim Awke Tarabi (karoone)
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog