Banaanbax balaaran ayaa haatan wuxuu ka socdaa magaalada Muqdisho kaasi oo lagu taageerayo heshiiska cusub ee dhexmaray dowlada Soomaaliya iyo waliba dolwada Maraykanka.
Banaanbaxaan ayaa waxaa ka qaybgalaya dadweyne badan oo ka kala imaanaya xaafadaha kala duwan ee degmooyinka gobalka gobalka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Banaanbaxaan ayaa haatan wuxuu ka socdaa barxada iskaashatada gaadiidka ee ku dhow xarunta madaxtooyda Soomaaliya.
Goor dhow ayaa waxaa laguwadaa in uu halkaasi soo gaaro Raysal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/faarax Shirdoon, waxaana sidoo kale haatanhalkaasi ku sugan masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada.
Dhowaan ayay ahayd markii dowlada Maraykanka ay shaacisay in ay aqoonsatay dowlada Soomaaliya, isla markaana ay la yeelanayso xiriir diblo maasiyadeed oo wanaagsan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com