Waxaa galabta ka furmay dalka South Africa koobka Qaramada Africa ee The 2013 African Cup of Nations kaas oo ay ka qeeyb galayaan 16-dal oo loo kala qeeybiyay 4 group. Waa markii 29-aad ee la qabto tartanka koobka Qaramada Africa wuxuuna socon doonaa ilaa 10-ka bisha Febraayo kaasoo bilaabmay galabta.
Dalka Koonfur Africa oo xili ciyaareedkaan marti galiyay koobka Qaramada Africa ee 2013-ka waxaa ugu dambeeysay oo ay sidoo kale marti galiyeen sanadkii 1996-kii.
Garoomada lagu ciyaari doono ee loo qoondeeyay in lagu qabto Koobka Qaramada Africa waxaanu ka xusi karaa garoomo ku kala yaala magaalooyinka waa weeyn ee Johannesburg, Durban, Port Elizabeth, Rustenburg iyo Mbombela.
Koobka The 2013 African Cup of Nations waxaa lagu wadaa in ay difaacdaan xiddigaha Qaranka Sambia oo galabta Isniinta ah u dhaarsan Qaranka Itoobiya oo soo reebay xulka Somalia.
Dalalka looga baqayo in ay qaadaan sanadkaan koobka Qaramada Africa waxaa lagu sheegay wadamada kala ah Ivory Coast, Ghana ,Tunisia iyo South Africa oo marti loo yahay.
Kulanka ugu horeeya ee koobka Qaramada Africa The 2013 African Cup of Nations (AFCON) ayaa galabta Furmay saacadu marka ay ahayd 17.00 waxaa lagu waxaana lagu iftaxay ama lagu furay dalalka South Africa iyo Cape Verde
Sidoo kale waxaana kulan aad u adag uu Caawa dhex mari doonaa wadamada kala ah Marooko Vs Angola oo labaduba wata xili ciyaareedkaan Laacibiin intooda badan ka ciyaara Qaarada Yurub.
Faaqidaada iyo Natiijooyinka tartanka koobka Qaramada Africa naga filo xili kasta ama saacad walba .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com