Maxkamad ku taala dalka Yemen oo xukun ku ridday Burcadbadeed Soomaali Ah

Sunday, January 20, 20130 comments


Maxkamad ku taalla wadanka Yemen ayaa saddex nin oo burcad badeed Soomaali ah ku xukuntay min 10 sano oo xarig ah ka dib markii sida la sheegay lagu helay eedeymo afduub markab.

Wakaalada wararka Yemen ayaa laga soo xigtay in saddexda nin oo la soo qabtay sanadkii 2011 illaa waqtigaasna ay ku xirnaayeen xabsi ku yaalla koonfur bari dalka Yemen.  Waxaa saddexda nin lagu eedeeyay afduub doonyo kalluumeysi oo laga leeyahay Yemen kuwaasi oo marayey Gacanka Cadmeed iyagoo u adeegsaday inay maraakiib ku soo afduubtaan.

Maxkamada ayaa sidoo kale saddexda nin ku xukuntay inay bixiyaan lacag ganaax ah oo gaareysa 750,000 Rials (oo u dhiganta $3,492) taasoo magdhow ahaan loo siinayo ninkii iska lahaa Doontii kalluumeysi ee ay afduubteen,  waxayna lacagtaasi maxkamadu ku sheegtay inay tahay magdhow kalluunkii uu soo qaatay maalintii ay afduubteen burcad badeeda iyo 15 maalmood oo ay afduub u heysteen.

Sanadkii dhamaaday ee 2012 ayay hay’adaha daraasada ku sameeya falalka burcad badeeda waxay sheegeen in ay aad hoos ugu dheceen weerarada burcad badeeda ku qaadi jireen maraakiibta mareysa biyaha ku dhow Soomaaliya.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog