Ururka
Suxufiyiinta Madaxa banaan ee Soomaaliyeed ee marka magaciisa lagu soo gaabiyo
yaqaan (SOFO) ayaa wuxuu maanta munaasabad balaaran u sameeyay xuska maalinta
saxaafada Soomaaliyeed ee ku beegan 21-ka Janaayo, munaasabadaasi oo ka dhacday
gudaha Hotelka Seylaan ee magaalada Gaalkacyo.
Munaasabada oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa
waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiye xigeenka gobolka
Mudug Mudane Axmed Muuse Nuur, Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi
Faarax, Isu-duwaha Wasaaradda Warfaafinta Puntland ee Gobolka Mudug Mudane
C/naasir Badal Khalaf, Gudoomiyaha Isboortiga Gobolka Mudug Mudane C/hodan Cali
Dayaxleef, Agaasimaha Radio Gaalkacyo Cawil Maxamuud Cabdi, Madaxda Ururka
Suxufiyiinta Madaxa banaan ee Soomaaliyeed (SOFO), Suxufiyiinta gobolka Mudug,
Cayaartooyda gobolka Mudug, Culimaa’udiin, Abwaano iyo Aqoonyahan.
C/samad Jaamac Cabdi oo ka tirsan ururka SOFO ayaa bilawgii
kulanka waxaa uu kasoo qeybgalayaasha u akhriyay ururka SOFO iyo waxyaabaha
aas’aaska u ah ee lagu soo doortay ururkaasi in uu qabto, wuxuu intaa ku daray
in ururku yahay mid u taagan in uu difaaco oo u qareemo suxufiyiinta madaxa
banaan ee Soomaaliyeed.
Isu-duwaha Wasaaradda Warfaafinta Puntland ee Gobolka Mudug
Mudane C/naasir Badal Khalaf ayaa wuxuu cabiray dareenkiisa ku aadan farxada
maalinta saxaafada Soomaaliyeed, wuxuuna hambalyo iyo bogaadin ba u jeediyay
dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, isagoona
ururka SOFO soo dhoweeyay.