Maanta ayaa wafdi Kenyan ah oo uu hogaaminayo duqa magaaladda Gaarisa ee gobalka waqooyiga bari ee Kenya waxa ay socdaal dhinaca dhulka ah uga ambabaxeen magaaladda Gaalkacyo oo ay shalay soo gaareen iyaga oo ku sii jeeda magaalada Garoowe.
Wafdigan oo uu hogaaminayey Duqa magaalada Gaarisa Ismaaciil Maxamed Garaad ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliyey xubno ka socda kooxaha u ololeynaya dhismaha maamul goboleed laga hirgaliyo gobolada jubooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
Ilo xog-ogaal ah oo warkaan aan ka soo xiganay ayaa sheegaya in ujeedada wafdigan ay tahay sidii ay dhinacyadan isaga kaashan lahaayeen cadaadis la saarayo dowladda Soomaaliya oo ku aadan in ay ogolaato dhismaha maamul goboleed ay Kenya gadaal ka riixeyso.
Xubnaha wafdigan hogaaminaya ayaan
ilaa haatan wax war ah ka soo saarin socdaalkooda, waxaana la filayaa inay war ka soo saaraan marka ay Garoowe kula kulmaan maamul goboleedka Puntland.
Waxaa la filayey in Kenya ay yareyn doonto fara gelinta ay ku heyso arimaha Soomaaliya wixii ka dambeeyey kulankii madaxweyne Xasan uu Nairobi kula yeeshay dhigiisa dalka Kenya waxaase haatan muuqaneysa in weji kale ay faragelintaasi yeelanayso.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com