Maamul Goboleedka Puntland oo Soo dhaweeyay Aqoonsiga Mareykanka oo uu Aqoonsaday Dowlada Somalia

Monday, January 21, 20130 comments

Dowladda Puntland waxay soo dhawaynaysaa hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dowladda USA Hillary Clinton oo ku dhawaaqday inay Dowladda USA si rasmi ah u aqoonsatay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo uu hada hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud.

Puntland waxay u aragtaa go’aankii ay gaartay Dowladda USA talaabo taariikhi ah oo hormarinaysa xiriirka USA iyo Soomaaliya ahna talaabo ku dayasho mudan. Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay u hambalyeynayaan Dowladda USA, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo idil.

Puntland waxay ka qeyb-qaadatay door wayna ka ciyaartay dadaalkii caalamiga ahaa si uu dalkii Soomaaliya uga baxo xilligii ku meel gaarka, geedi-socodkaasoo ay ka mid ahayd ansixintii Dastuurka Federaalka Soomaaliya, dhisidii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka iyo doorashadii Gudoomiyaha Aqalka Hoose, iyo doorashadii Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay qeyb wayn oo muuqata ka qaadataa arrimaha ilaalinta iyo adkeynta nabadda, amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Puntland waxay ku dhiirigalinaysaa Dowladda USA iyo saaxibada kale ee Soomaaliya inay sii wadaan taageerada arrimaha nabada iyo xasiloonida, gargaarka bini’aadanimo, dowladwanaaga, iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha ee guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland waxay ka filanaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dhowrto kuna dhaqanto Dastuurka Federaalka, dalka wadaajiso taageerada caalamka ee barnaamijyada amaanka, hormariso dhamaystirka nidaamka Federaalka ee dalka Soomaaliya, taageerto dhisidda Dowladaha dhiman ee ka mid noqonaya Fedeeralka Soomaaliya, taageerto dib u heshiisiin heer Qaran, dhisto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ka wakiil ah Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Federaalka, iyo

inay dalka si nidaamsan u wadaajiso taageerada caalamka ee dhanka arrimaha gargaarka bini’aadanimo iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaale oo lagu bixiyo magaca dalka Soomaaliya

Ugu dambayntii, Puntland waxay ugu hambalyeynaysaa shaqadii wanaagsanayd ay qabatay Wasiirka Arrimaha Dibeda ee dalka USA Hillary Clinton intii ay ku jirtay siyaasadda.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog