R/wasaaraha Soomaaliya oo shaacisay lacago xad dhaaf ah oo lagu abaal marinayo degmooyinka safka hore ka gala nadaafada dalka.

Monday, January 21, 20130 comments

R/wasaarha xukuumada Federalka Soomaaliya, Cabdi Faaraxa Sheyrdoon (Saacid), ayaa maanta waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay lacago loogu tala galay in lagu abaalmariyo degmada ugu nadaafada badan iyo labada kala gala kaalimaha labaad iyo sedaxaad.

Sheyrdoon ayaa yiri, “Si sara loogu qaado nadaafada dalka guud ahaan, gaar ahaan Caasimada waa in lagu tartamaa nadaafada oo cidii guuleysata ay qaadataa koobka iyo abalmarintiisa. Anugu waxaan ka dhawaajinayaa qarashkaasi inta uu la’egyahay. Degmada kaalinta hore gasha waxaa lagu abaal marinayaa $15,000 (shan iyo kun oo doolar) degmada kaalinta labaad gasha $10,000 (toban kun oo doolar) sedaxaadna waxa ay qaadanee $5,000 (shan kun oo doolar)”.

Waxa uu hoosta ka xariiqay wasiirka koowaad in arintasi ay fududeyneyso in dalku uu nafaada helo si looga fogaado cudurro dheeraad ah kuwaas oo dad badan asiibi kara.

Si kastaba, Dhiiri gelintaan oo uusan Sheegin Saacid in maamulka degmada lasiinayo in kooxda nadaafada ay qaadanayaan ayaa waxaa lafilayaa in bilicda magaalada soo kabsashadeeda ay gacan muuqata ka qaadato maadaama cid waliba ay isku dayeyso in ay guuleysato.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog